garaaca wadnaha
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garaaca wadnaha
(n) heartbeat (haartbiit)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheefsasho-saleed
m.l (-dyo, m.dh) (baayoloji) (Herka dh. s.). Heerka tamar dh. ee looga baahanyahay inay xayawaanka ku hayso nasasho. Heerka dh. waxa lagu qiyaasaa habka soo saarka kulka ee halbeeg waqti: waxay tilmaamaysaa tamarta la isticmaalay si loo fuliyo shaqooyinka muhimka ah, sida garaaca wadnaha, neefsashada, dhaqdhaqaaqa dareenwadka, gudbin firfircoon iyo dhiiqista.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ekokardiyogaraafi
m.l (daawo) Isticmaalka mawjado ultrasawnd ah si loo ogaado shaqada iyo garaaca wadnaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hakad-wadneed
m.l (-dyo, m.dh) (c.nafl) Wejiga garaaca wadnaha ka dhex dhaca labada isku soo urur ee wadnaha, marka ay muruqyada wadnuhu dabcaan ee caloolyaradana dhiiggu ka buuxsamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybotayrodism
m.l (daawo) Shaqada qanjirdhiiga taayrodka oo yaraata. Haddii lagu dhasho oo an la daawayn waxay keeneysa karaetiniism. Haddii qof weyn ku dhacdo waxay keentaa hoos u dhac maskax iyo jirba, qabow dareen dheeraad ah, garaaca wadnaha oo yaraada, culeyska oo kordha iyo maqaarka oo dildillaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isxabaalid
m.dh (baayoloji) Xaalad hurdo oo kale ah, taasi oo xayawaanka qaarkood kaga gudbaan bilaha jilaalka ee ay jiraan cunta yaraanta iyo qabowgu. Waxay xayawaanku sameeyaan isbeddello fisiyoolajiyeed oo ay ka mid yihiin hoos u dhaca heerkulka jidhka iyo garaaca wadnaha, waxa anay ku noolaadaan keydka duxdooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jugleyn
m.dh (daawo) Hirar cadaadis ah oo is daba joog ah oo dhex maraya halbowle waxaana keenay iskuroorka hannaansan ee muruqa qolka bidix ee wadnaha, sidaas darteed waxay u dhigmaan xawliga garaaca wadnaha inta goor uu wadnuhu (garaaco/daqiiqaddiiba) waxa si sahal ah looga dareemi karaa halbowlayaasha meel soke ku yaal, sida halbowlaha kalka dibadeed ee tagoogta (radial artery) ama halbowlaha luqunta (karotid artery).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskax-dambeed
m.dh (-yo, m.dh) (cilmiga naflayda) Qaybta dambe ee maskaxda ee ku dhereran ilaa iyo xangulaha. Shaqooyinka ay qabato waxa ka mid ah xidhiidhinta gujooyinka qaabilayaasha taabashada, maqalka iyo organnada dhadhanka. Waxa kale oo ay xukuntaa hababka iswada sida garaaca wadnaha, isku soo ururka iyo kala baxa dhuumaha dhiigga iyo falnaqyo kale duwan.

tuujis
m.l (cilmiga naflayda) Wejiga garaaca wadnaha, marka caloolyarooyinka wadnuhu isku soo ururaan si ay dhiigga ugu tuuraan halbowlayaasha.

wadne-roor
m.l (daawo) Garaaca wadnaha oo ka bata qiyaastii caadiga ahayd.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheefsashasaleed
m.l (-dyo, m.dh) (baay.) (Herka dh. s.). Heerka tamar dh. ee looga baahanyahay inay xayawaanka ku hayso nasasho. Heerka dh. waxa lagu qiyaasaa habka soo saarka kulka ee halbeeg waqti: waxay tilmaamaysaa tamarta la isticmaalay si loo fuliyo shaqooyinka muhimka ah, sida garaaca wadnaha, neefsashada, dhaqdhaqaaqa dareenwadka, gudbin firfircoon iyo dhiiqista.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ekokardiyogaraafi
m.l (daaw.) Isticmaalka mawjado ultrasawnd ah si loo ogaado shaqada iyo garaaca wadnaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hakadwadneed
m.l (-dyo, m.dh) (c.nafl) Wejiga garaaca wadnaha ka dhex dhaca labada isku soo urur ee wadnaha, marka ay muruqyada wadnuhu dabcaan ee caloolyaradana dhiiggu ka buuxsamo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haybotayrodism
m.l (daaw.) Shaqada qanjirdhiiga taayrodka oo yaraata. Haddii lagu dhasho oo an la daawayn waxay keeneysa karaetiniism. Haddii qof weyn ku dhacdo waxay keentaa hoos u dhac maskax iyo jirba, qabow dareen dheeraad ah, garaaca wadnaha oo yaraada, culeyska oo kordha iyo maqaarka oo dildillaca.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isxabaalid
m.dh (baay.) Xaalad hurdo oo kale ah, taasi oo xayawaanka qaarkood kaga gudbaan bilaha jilaalka ee ay jiraan cunta yaraanta iyo qabowgu. Waxay xayawaanku sameeyaan isbeddello fisiyoolajiyeed oo ay ka mid yihiin hoos u dhaca heerkulka jidhka iyo garaaca wadnaha, waxa anay ku noolaadaan keydka duxdooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jugleyn
m.dh (daaw.) Hirar cadaadis ah oo is daba joog ah oo dhex maraya halbowle waxaana keenay iskuroorka hannaansan ee muruqa qolka bidix ee wadnaha, sidaas darteed waxay u dhigmaan xawliga garaaca wadnaha inta goor uu wadnuhu (garaaco/daqiiqaddiiba) waxa si sahal ah looga dareemi karaa halbowlayaasha meel soke ku yaal, sida halbowlaha kalka dibadeed ee tagoogta (radial artery) ama halbowlaha luqunta (karotid artery).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maskax-dambeed
m.dh (-yo, m.dh) (cilmiga naflayda) Qaybta dambe ee maskaxda ee ku dhereran ilaa iyo xangulaha. Shaqooyinka ay qabato waxa ka mid ah xidhiidhinta gujooyinka qaabilayaasha taabashada, maqalka iyo organnada dhadhanka. Waxa kale oo ay xukuntaa hababka iswada sida garaaca wadnaha, isku soo ururka iyo kala baxa dhuumaha dhiigga iyo falnaqyo kale duwan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tuujis
m.l (cilmiga naflayda) Wejiga garaaca wadnaha, marka caloolyarooyinka wadnuhu isku soo ururaan si ay dhiigga ugu tuuraan halbowlayaasha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wadneroor
m.l (daaw.) Garaaca wadnaha oo ka bata qiyaastii caadiga ahayd.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
flutter
(n) a disturbance of normal heart rhythm
khalkhal ku dhacay garaaca wadnaha
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
heart beat
(n) a single contraction of the heart.
garaaca wadnaha
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
garac, wacal
نُغُولَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaacnaansho
m.l/dh la-mid: garaacnaan.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Garbaha ruubaha
Labada tog ee ruubaha waxaa hareereeya garbaha birta jeeba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warshadda caanaha
n. phr. milk-processing plant, dairy
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Faraqa mawjadaha
Tidal range
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaamadnaan
m.f.dh eeg gamaamadan. la-mid: gamaamadnaansho, gamaamudnaan, gamaamudnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaamadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la qarinaayey oo wax kale lagu hilay ahaan. gamaamadnaansho -ha: (magac, lab, keli) wax qarsoon ahaansho.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ganacsade-ha
commerant.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marsanaansha
-ha: (magac, lab, keli) dusha wax laga mariyay ku lahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhaawadhaa
(ereydhawaaq) lagu cabbiro hadal aan milgo iyo macno lahayn oo qiimo la'aan lagu hadaaqo. Dh: wadhawadhaa, warawaraa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraaraansho
m.l/dh la-mid: kharaaraansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraaraansho
-ha: (magac, lab, keli) wax qadhaadh oo dhadhan silloon leh noqosho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gadaal gadaal
-sha: (n) backward (baak-waardh); toward the back or rear ~ xaga gadaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadaysasho
m.dh la-mid: garaadsasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Garaaf badeed
Block diagram
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabtaagnaan
m.f.dh eeg garabtaagan. la-mid: garabtaagnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabtaagnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, taageersanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaaqsanaan
m.f.dh eeg garwaaqsan. la-mid: garwaaqsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garwaaqsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hore xusuusnaan.
garwaaqsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) gef aad lahayd, aqoonsanaan oo oggolaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
laadka gudaha
inside kick
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraamantaana
m.dh (juqraafi) Dabayl woqooyi, qallalan oo ka dhacda gobolka miditereeniyanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taraamantaana
m.dh (juqraafi) Dabayl woqooyi, qallalan oo ka dhacda gobolka miditereeniyanka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Taraamantaana
Tramontana
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
alwaaxa madaxa
head board
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dacalka gudaha
inside edge
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaamanaansho
m.l/dh la-mid: gadaamanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guriga hiddaha
m. n. museum
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaamadnaansho
m.l/dh la-mid: gamaamadnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadxumaansho
m.f.l la-mid: garaadxumaan.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gurada raandada
Cufadda raandada. Duleelka middidu ka gudubto isla markaana dufulka laga raandeeyey looxu soo galo.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Calaamad wadarayn
Summation sign
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kacaanka warshada
n. phr. industrial revolution
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warshadda_caanaha
de: milk-processing plant, dairy
initial: w
lx: warshadda caanaha
ps: np
key: warshadda_caanaha